Musharaxnimada jamaal maxamed xasan caqabadaha iyo fursadaha.

 


Waa kuma jamaal maxamed xasan?

  Jamaal waa siyaasi  reer sanaaga, ka soo jeeda degmada dhahar haysta dhalashada dalka kenada,
Waxa uu ka soo shaqeeyay ha'yada UNEP UN-Habitat, safiirka soomaalia ee dalka kenya, xildhibaan heer federaal, iyo wasiirka qorshaynta qaranka, iyo imika oo uu ku magacaaban yahay ergayga IGAD ee la qabsiga cimilada
Maxaa lagu dooran karaa jamaal?
Marka la eego deegaanka la doonayo in loo doorto madaxwaynaha  waa dhul ku jiray soddon kii sano ee u danbeeyay isku haysi iyo muran kaas oo u dhexeeyay Soomaaliland iyo puntland waa gobolo lagu calaamadiyay dhul la isku haysto (dispute aeria) kaasi oo sabab u ahaa in ay ka caaganaadaan horumarka iyo deeqaha caalamiga, taasi waxa ay ku tusaysa qof ka deegaankaasu u baahan yahay in uu noqdo qof sooyaal wanaagsan leh oo mar ba aan dhinac ka soo xabbada ridan jirin iyo in noqdo qof leh hal-abuur iyo karti uu ku maaraynkaro iyo in uu leeyahay xidhiidho gobolka iyo caalamka ah oo uu wax ku dhisi karo intaas jamaal waa leeyahay sida aan wax uun waa ka leeyahay.
Muddadii uu ahaa xildhibaanka iyo wasiirka waxaa jira waxqabad kooban oo uu qabtay oo ay ugu horrayso u qareemidda deegaanadaasi in ay ka baxaan muranka ragaadiyay.

Fursadaha ku jira in jamaal madaxwayne ka noqdo maamulka cusub.

• waa nin midayn kara kalsoonina ay ku qabaan bulshada reer maakhir waxa uu dooni karaa dhaqanka ama isimada  waa wayn ee reer maakhir oo ka maqan shirarka maamulka loogu dhisayo goboldan, isaga oo kasban kara dhallinta iyo waxgaradka kale  ee bulshada reer sanaag e wax saluugsan.

• reer khaatumo jamaal in uu hoggaanka qabto wax dhib ah uma arkaan badina dadku waa taageerayaan iyaga oo ku kalsoon aragtidiisa oo cad ee aan laba labaynta lahayn shaadhkiisa oo nadiif ah.

• waa nin leh xidhiidho gobolka ah iyo kuwa caalamiya oo maamulka cusub baahi wayn u qabo wakhtigan yabyabka uu marayo,  isaga oo hore uga soo shaqeeyay safaarada soomaalia ee dalka kenya, Djabuti ayuu ka mid yahay siyaasiyiinta aadka ugu dhaw isaga oo si sannadle ah uga qayb gala shirarka   heritage ee kalwalba ka qabsooma Djabut iyo IGAD oo  addiis-ababa ku taala, sida oo kale  waxa uu leeyahay xidhiidho caalamiya oo la aaminsan yahay China, turki iyo qadar in ay ka mid yahiin. Xidhiidhkaas gobolka iyo caalamka ah ayuu uga faa'iidayn karaa maamulka cusub.


Caqabadaha qabsan kara haddii loo doorto madaxwayne jamaal.

*  MD siciid deni oo kursiga puntland ku fadhiyaa  iskuma fiicna  jamaal, deni waxaa uu saamayn badan  ku leeyahay gobolka sanaag isimada dhaqanka iyo waxgarad kale isaga oo joogitaan ciidan ku leh deegaano  gobolka taas oo sababi karta isku dhac iyo qalalaase.

* Soomaaliland ayaa ka faa'iidaysan karta haddii uu yimaado isku dhac PL iyo bulshada reer maakhir iyada maamulka cusub aanu qaadi karin dagaal laba dhinac ah.

* ssc-khaatumo oo imika si wayn u abaabul ayaa weli ku tiirsan cashuur kooban oo laga aruuriyo dhulka maamulku taliyo, qaadhaanka qurbajoogta deegaanku soo diraan  iyo qaadhaanka    reeraha laga soo aruuriyo taasi oo culaysku noqon karta jamaal in uu fahmo iyo in uu sidii loogu talo galay u aruuriyo.

* hawlgalka onkod oo PL rabto in ay ka fuliso calmadaw: md Puntland siciid deni ayaa sheegay marka uu soo gabgabeeyo hawlgalka hilaac ee calmiskaad in uu ku xejinayo hawlgal kale oo uu ugu magac daray ONKOD kaasi oo AS lagagq sifaynayo buuralayda calmadaw, PL oo awalba gobolka ciidan xooggan oo reer sanaag u badan u joogay haddii ay bilawdo hawlgalkaa waxaa sii badanaya joogitaankeeda iyo saamaynteeda  gobolka taasi oo wiiqi karta awooddii jamaal ku yeelan lahaa gobolka.

Gabagabada: waa fursado iyo caqabado haddii  fursadaha laga faa'iidaysto caqadahana laga hortag wax wanaagsan ayaa u qabsoomi kara maamulka.

0 Comments