Dawladda shiinaha oo farriin hanjabaada u dirtay Soomaaliland.
Safaaradda shiinaha ee magaalada muqdisho ayaa farriin toos ah oo hanjabaada u dirtay Soomaaliland, hanjabaada ayaa ku saabsanayd xidhiidhka Soomaaliland iyo Taiwan oo in muddo ah soo socday.
Safaaradda shiinaha ayaa sheegtay in uu u digayo safar sarkaal Soomaaliland ka socda ku tegay Taiwan iyo heshiis ku saabsan ilaalinta badda oo Soomaaliland la gashay Taiwan..
shiinuhu waa hal dal (One-China Principle) lamana kala qaybin karo, soomaalia waa hal dal waxaanu aaminsanahay in Soomaaliland tahay maamul goboleed ka mid ah soomaaliya,
Dawladda China ayaa safarka ku tilmaamay mid dhaawacaya mabda'a One-China Principle isaga oo khatar gelinaya midnimada iyo madaxbanaanida China waxay sheegtay dawladda China in uu dunida ka jiro hal China Taiwan ay ka mid tahay Taiwan ayay sheegeen in ayna weligeed dal noqon haddana ma aha mustaqbalkana ma noqon doonto.
Shiinaha ayaa adeegsaday oo tixraacay bayaanada qahira 1943 potsdam 1945, iyaga oo sheegay in ay qayb ka yihiin nadaamka caalamiga ah ee la dejiyay dagaalkii labaad ee adduunka, isla markaana sheegay in sharciyan Taiwan ay hoostimaado China adduunkuna sidaa u aqoonsan yahay.
Soomaaliland iyo Taiwan ayaa lahaa in muddo ah xidhiidh sii koraya iyada oo safar uu ku imaan lahaa wasiirka arimhaa dibadda ee Taiwan hargaysa dawladda fadaraalku sheegtay in aan passportiga Taiwan lagu imaan karin dalka sidaana uu ku baaqday safarkii wasiirka arimaha debadda Taiwan ku imaan lahaa magaalada hargaysa.
Xayiraadda safarka ayaa la sheegaa in dawladda fadaraal ku ka noqotay iyada oo la filayo in culaysku ka yimi dawladda maraykan ka
Soomaaliland ayaa Taiwan ka faa'iiday u dhawaansho dawladda maraykan iyo reer galbeedka oo Taiwan saaxiib dhaw la ah, deeqo waxbarasho, tababaro saraakiil ciidan iyo imika oo safarkii ugu danbeeyay la sheegay in lagu kala saxeexday heshiis ku saabsan ilaalinta badda oo Soomaaliland la gashay Taiwan.
Dhan ka kale China ayaa ah quwad super power ah oo golaha qaramada midoobay ku leh cod Vito power Soomaaliland oo aqoonsi ka rabta caalamka ayuu wax wayn u dhimi karaan aqoonsi raadinteeda in dawlad Vito power ah kaa hortimaado ayaan wax sahlan ahayn.

0 Comments