Dawladda fadaraalka ah ee soomaaliya ayaa wada dhismaha iyo dhamaystirka maamul goboleed loo samaynayo gobolada sool,sanaag iyo degmada buuhoodle.
Inta aynaan gelin maamul u samaynta goboladan aan wax yar ka dhahno taariikhaha ay soo martay ssc-khaatumo.
maakhir iyada qoraal kale ayaynu kaga hadli doonnaa idamka alle.
Deegaamadan ayaa muran ku jiray laga soo bilaabo burburkii dawladdii dhexe ee soomaalia, markaas oo Soomaaliland sheegatay in ay ka tirsan yihiin iyada oo daba joogta xadkii gumaysiga UK,
iyada oo muran kaa hore ee Soomaaliland jiro ayaa 1998 waxaa dhismay maamul ka puntland oo dadka deegaamadaasi wax ka dhisteen puntlland, ergadii iyo odayaashiina qayb ka ahaayeen.
Intaas ka dib goboladaasi waxay galeen muran aan weli dhinac u dhicin, kaas oo sababay in ha'yada caalamiga ahi ku calaamadiyaan dhul la isku haysto (dispute aeria) kaasi oo ka caaggan horumarka in ay tagaan ha'yadaha caalamiga ah iyo in la geeyo mashaariicda hormarinta iyo deeqdaha ka yimaada beesha caalamka.
Soomaaliland ayaa qabsatay 2007 magaalada laascaanood oo ah xarunta gobolka sool iyo halka la rabo in ay hadda caasimad u noqoto maamulka lagu midaynayo labada gobol iyo buuhoodle,
Soomaaliland iyo puntlland waxaa goboladaa ku dhexmaray dagaalo farabadan oo deegaamo kala duwan ka dhacay waxaa ugu caansan 2004-2005 dagaaladii ka dhacay dooxada abeesalay oo u dhaw degmada adhicadeeye dagaalkaa oo lagu kala qabsaday maxaabiis, 2007 dagaal kii Soomaaliland kula wareegtay gacan ku haynta laascaanood 2018 dagaalkii tukaraq oo ahaa dagaalkii ugu adkaa ee soomaaliland iyo puntlland dhex mara abid
Ssc-khaatumo iyo Soomaaliland
Markii koobaad jabhddii ssc waxaa lagu aasaasay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya 2009 shir horseed loo bixiyay ayaa lagu yagleelay iyada oo guddoomiyaha jabhadda loo doortay saleebaan axmed ciise kaar xaglotoosiye ku xigeena waxaa loo doortay cali sabaray dagaalo kooban ka dib jabhadda haggoomiyeheedii waxa uu u galay oo la heshiiyay SL isaga oo xukuumaddii siilaanyo ka noqday wasiirka caafimaadka, wakhtigaa waxaa dhacay dagaal aad u qadhaadha oo 2010 dhamaadkii ilaa 2012 socday waa dagaalkii kalshaale oo Soomaaliland ku weerartay gobolka cayn iyada oo rabtay in ay qabsato buuhoodle.
Khaatumo iyo Soomaaliland
Markii jabhaddii hore ee ssc hoggaamkeedii u galay SL waxaa mar la baad shir isugu yimi taleex bulshada reer ssc-khaatumo bisha January /2012 shirkaasi ayaa lagu dhisay maamulkii khaatumo oo madaxwayne ka noqday Prof cali khaliif galaydh
Shirkii jigjiga
Markasta oo isku day reer ssc-khaatumo ka fashilmo lama quusanayn ee waxaa la samayn jiray wixii markaa la qaban karo markii Prof galaydh isna u galay SL waxaa xigay isku day kale oo dib wax loogu haajinayo November 2022 ayaa shir lagu qabtay magaalada jigjiga ee caasimadda deegaanka soomaalida waxaa shirkaa lagu dhisay guddi ka kooban sagaal xubnood oo aasaas u noqota hawlaha maamul dhis ka iyo xorayn deegaanka inta badan SL haysatay, hoggaanka sagaalka xubood ahaa waxaa guddoomiye loogu doortay bashiir x cali jamaal, guddiigii oo maalmo uun jira ayaa magaalada laascaanood lagu dilay AHU hadraawi sangub 27bisha disember 2022 dilka ka dib waxa bilawday kacdoonkii loogu wanqalay (KACDOONKA BULUUGA AH) SOOMAALILAND ayaa kaga jawaabtay kacdoonkaa dil xabad iyo xadgudub ay ku samaysay dadkii shacabka ahaa ee muddaharaadayay iyada ugu danbayn magaalada banaanka looga saaray 4 January 2023.Dhismihii guddigii 33 ka ahaa
Xilligaa Soomaaliland banaanka laga dhigay laascaanood ayaa lagu ballamay shir kaas oo ay isugu yimaadeen dhaqanka waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, 6 February 2023 ayaa la soo saaray bayaan kaas oo lagu bayaamiyay in aan bulshada ssc-khaatumo ka mid ahayn weligeedna ka mid noqon SL iyada oo bayaanka lagu sheegay in ssc-khaatumo noqonayso maamul madaxbanaan oo hoostaga dawladda fadaraalla soomaalia shirka subaxaa lagu soo xidhay laascaanoodayaa lagu dhisay guddi ka kooban 33 xubnood kuwaas oo dardargeliya hawlihii dagaalka ee subax qarxay dhismihii maamulka, SL isla subaxaas ba iyada oo aan bayaankii weli la jeedin ayay kaga jawaabtay xabad waa isla subaxa ay baxday odhaahda caan ka noqotay ee (DAGAALKA GALA) oo ku dhawaaqay isimka guud ee beesha dhulbahante garaad jaama garaad cali.
Dagaalkii subaxaa qarxay waxaa Soomaaliland looga adkaatay 25,ogosto 2023.
Dhismihii khaatumo
Subaxa bayaanku soo baxay ee 6 February 2023 ilaa subaxa Soomaaliland dagaalka looga adkaaday ee 25ogost 2023 dagaalka waxaa dhinac socday dhismaha maamulka qaabaynta maamulka, mudaddaa ayaa lagu doortay baarlamaanka laguna dhisay haykalka guud maamulka, iyada hoggaanka maamulkana loo doortay cabdiqaadir axmed aw cali (firdhiye) 5ogosto 2023, guddigii 33 waxaa bedelay maamul ku meel gaadh ah oo dhamaystiran iyada oo hoggaanka maamulka loo doortay cabdiqaadir axmed aw cali firdhiye halka hoggaamiye ku xigeenkana loo doortay Dr maxamed ismaaciil shiine, guddoonka baarlamaanka ayaa loo doortay jaamac yaasin, 19october2023 ayay DFS sheegtay in ay Ssc-khaatumo u aqoonsatay maamul ku meel gaadh ah oo hoostaga dawladda dhexe,
Laba sano oo ku meel gaadh ah ka dib la socda qormada xigta iyo midawga labada gobol.
0 Comments