dhaqanka beesha degta sanaag iyo haylaan ayaa soo saaray bayaan ay ugu baaqeen isimada dhaqanka iyo maamulka ssc-khaatumo.
Bayaanka oo ka koobnaa shan qodob ayaa u qornaa sidatan.
1: sanaag iyo haylaan waxay ka mid yihiin puntlland mana jiraan wax iska bedelay.
2:Waxa aanu caddaynaynaa in aanu jirin shir siyaasadeed oo aanu go'aano ka soo saarnay.
3: waxa aanu u caddaynaynaa isimada dhaqanka iyo maamulka ssc-khaatumo in aanu jirin cid wakiil naga ah oo aanu u dirnay shirka laascaanood, qaybna aanaan ka ahayn, waxkasta oo ka soo baxa.
4:beesha caalamka waxaanu u caddaynaynaa in aanu jirin shir aanu yeelanay oo aanu maamul cusub aanu wax kaga dhisanay.
5:dawladda DFS waxaanu ugu baaqaynaa in ay qabato wixii loo doortay ayna ka fogaato isku dirka beelaha walaaha iyo deriska ah.
Bayaanka.
goboladan ayaa soddonkii sano ee u danbeeyay baylah u ahaa loolanka Soomaaliland iyo puntlland oo isku haystay maamulkooda sool, buuhoodle iyo qayb ka mid ah sanaag ayaa sannadkii 2023 looga adkaaday SL iyada oo laga sameeyay maamul loo bixiyay SSC-KHAATUMO,
dawladda dhexe ayaa rabta in SSC-KHAATUMO IYO MAAKHIR la mideeyo iyada oo uu halkaa ka soo bixi karo maamul labaad oo waqooyi ka hirgala 34 sano oo SL keliya ka jirtay waqooyiga ka dib.
Ssc-khaatumo ayaa iyadu ku jirta xilli doorasho oo loo ballansan yahay 5/8/2025 taasi maalmo kooban inaga xigaan,
dawladda dhexe ayaa taageersan cabdiqaadir ahmed aw cali firdhiye oo kursiga doonaya in uu xejisto,
Waxaa iyana jira mucaarad xooggan oo la aaminsan yahay in PL taageeri doonto mucaaradka waxaa ugu cad cad cabdirisaaq khaliif Ahmed, hoggaamiye ku xigeenka maamulka ssc-khaatumo Dr maxamed ismaaciil shiine iyo xildhibaan bashiir xaaji cali jamaal.
0 Comments